Untitled Document
HJEM HVA HVORFOR HVEM HVORDAN LENKER BESTILL

Saaxiib kuugu wehelyeela jidka dugsiga                                                                                  

Carruurta u lugaysa, kana timaada dugsigu waxa ay yeeshaaan waayo-aragnimo waddo mariseed, firfircooni jidheed iyo aqoon bulsho (sosial læring). Carruurta dugsiga kuwooda yaryari waxa ay u baahan yihiin caawimo dhinaca waddo marista ah, waxana habboon in aanay keligood marin jidka dugsiga iyada oo aanu la socon qof weyni, tusaale ahaan saaxiib jidka la mara.

Waa maxay saaxiibka wehelku / kooxda saaxiibka wehelku ?

Saaxiibka wehelku waa qof weyn oo u raaca carruurtiisa iyo/ama carruuro kaleba jidka dugsiga, oo la lugeeya iyo/ama la raaca bas, tareen iwm. Koox saaxiib wehelyeel waa dad waaweyn oo wadashaqayn ka sameeya in ay u wehelyeelaan koox gaar ah oo carruur ah. Marka uu saaxiib wehel la socdo carruurtana waxa sidoo kale kooxdan la odhan karaa koox saaxiibo wehel.

Maxaa loogu baahan yahay saaxiib wehel ?

Marka carruurta uu jidka dugsiga u raaco saaxiib u wehelyeelaa, waxa ay carruurtu aqoon, waayo-aragnimo iyo dhaqanba u yeelanaysaa waddo marista, si ay iyagu mustaqbalka jidka u maraan si ammaan ah iyaga oo aanu la socon qof weyni.

Faa’iidooyinka kale :-

  • Wehelku waxa uu dadka waaweyn iyo carruurtaba ku beeraa dareen ammaan
  • dhaqdhaqaaqa iyo hawada nadiifta ah waxa laga helaa caafimaad wanaagsan waxana ay kordhiyaan feejignaan (konsentrasjon)
  • wehelku waxa uu hoos u dhigaa socodka baabuurta ee agagaarka dugsiga
  • dadka waaweyni waxay ka nastaan in ay maalin walba carruurta dugsiga u kexeeyaan ( maadaama ay iskaashanayaan).

Yaa noqon kara saaxiib wehel ?

Saaxiibka wehelku waa in uu ahaado qof weyn oo xilqaad ah oo jecel in uu carruurta wax ka baro waddo marista.

Waxa lagu taliyaa in saaxiibka wehelku sida caadiga ah qaado masuuliyadda la socodka ugu badnaan saddex carruur ah.

Sidan ayaad u habayn kartaa koox saaxiib wehel ?

  1. Bilow arrinta maalmaha carruurta dugsiga la soo tusayo ee xilliga guga (vår) inta aanay bilaabin fasalka 1.aad. Waxa kale oo aad samayn kartaa oo intaa dheer in aad macalin ka codsato in uu mawduuc ”saaxiib kuu wehelyeela” ku daro arrimaha lagaga wada hadlayo shirka waalidiinta ee ugu horreeya marka uu dugsigu bilaabmo.
  2. La xidhiidh dadka deriskaaga ah ee aad u filayso in ay noqon karaan saaxiibo wehel.
  3. Kulmi dadka waaweyn ee ku jira kooxaha saaxiibada wehelka oo markaa qorsheeya jid sugan oo carruurta la soo mariyo marka la soo kaxaynayo. Waxa aad isticmaali kartaa khariidad (maab) haddii aad rabto. Jidka la qorsheeyey soo mara. Soo hel caqabadaha jidka dugsigu leeyahay.
  4. Samee liis muujinaya maalmaha toddobaadka, saaxiibka wehelka ee maalin walba masuulka ah iyo telefonkiisa, goobaha lagu kulmayo iyo saacadda. Hindise ku saabsan sida liiska loo samaynayo waxa aad ka heli kartaa barta ”Internett” ka ee www.folgevenn.no
  5. Ku heshiiya hab la isu gaarsiiyo haddii qof kooxda ka mid ahi maalin maqnaanayo.
  6. Ku heshiiya haddii dhar isu eeg (uniform) loo xirayo carruurta ama dadka waaweyn (tusaale ahaan garan iftiimaya, koofiyad ama wax kale).

Saaxiibo wehelyeelka kooxdayada

 Magaca iyo taleefanka saaxiibada wehelyeel ee suuragal ah:

            1.
            2.
            3.
            4.

Goobaha kulanka ee suuragalka ah :

Dugsigu /SFO waxa la furayaa  (taariikh iyo saacad) :
F/G. (SFO : Goobta carruurta la sii geeyo dugsiga ka hor iyo ka dib).

Download brochure

On the way to school with a pedestrian escort (in English language)

Med følgevenn på skoleveien (505 kb) (in Norwegian language)

Last ned Acroba readerBrosjyren er i Portable Document Format (PDF), og du må ha gratisprogrammet Adobe Acrobat Reader installert på din datamaskin for å kunne lese/skrive ut brosjyrene. Acrobat Reader kan du laste ned fra denne linken.